Sunday, February 14, 2016

Nin Sucuudiyaan ah Oo Xaaskiisa U furay Qoraalka ay Whatsapp Status-ka Ku Qoratay Dartiis


Guurku waa shay aad muhiim u ah oo aan Sinaba looga maarmin, Lamaanayaasha qaar ayaa guurka u arka nimco iyo barwaaqo ballaaran waxayna u arkaan lamaanahooda saaxiibkooda ugu wanaagsan Aduunka.      
Hadaba nin sucuudiyaan ah oo ku nool magaalada Dammaam ayaa xaaskiisii furay isagoo furiinka sabab uga dhigay qormo xaasku ku qoratay whatsapp status-keeda, qormadaas oo ahayd "Waan tukanayaa si aan  U helo dulqaad badan oo Aan kuu yeesho" Ninkan ayaa sida la yiri sheegay inuu fahmay macnaha dhabta ah ee qormada whatsapp status-ka xaaskiisa wuxuuna sheegay ninkani inuu fahmida macnaha qormada uu ka caawiyay nin ay qaraabo yihiin uuna u sheegay in qormadani tahay Qadaf ka dhan aha shaqsiyadiisa, Waxaa kaloo jirtay  sida ay sheegeen asxaabta iyo qaraabada ninkani in xaasku aysan farxad badan ku haysan saygeeda,
                               
Agaasime ku xigeenka Xarunta Horumarinta Arrimaha Qoyska ee gobalka bari ee dalka sucuudiga oo ah halka uu ka dhacay furiinku ayaa sheegay in waqtigan Kiisaska ugu badan ee furriinka ka dhaca sucuudiga ay sababaan wararka laysku dhaafsado baraha bulshada,  Waxaa dhacda buu yiri in lamaanuhu ay iska aflagaadheeyaan baraha bulshada Waxaa kale oo jirta in haweenku ay lamaanohooda ugu gudbiyaan baraha bulshada erayo sarbeeb ama doqon ma garato ah oo abuuri kara khilaaf sidoo kale ragga ayaan ka marnayn isticmaalka ereyo maladahan oo khilaaf sababa.
Sidoo kale qareen caan ah oo isla gobolkaas ka shaqeeya  ayaa sheegay in tirada furiinku had iyo jeerba sarayso, wuxuuna qiray xaqiiqda ah in waxa ugu badan ee sababa furiinka ka dhaca gudaha sucuudiga uu yahay baraha bulshada,  Qareenkan oo aqoon badan u leh kiisaska furiinka mudo dheerna ka soo shaqaynayay ayaa kula taliya lamaanayaasha sucuudiga ah inay isdejiyaan waqti dheeriya oo nasniino iyo dib u fekeris ahna qaataan  ka hor intaysan gaarin go'aanka kama damaysta ah ee furiinkooda.

Friday, February 12, 2016

10 Ka Lacagood Ee Ugu Xooga Badan Aduunka

Qormadaan soo socota waxaan ku soo gudbin doonaa Toban ka lacagood ee ugu xooga badan Aduunka.
Dunida waxaa ku yaal 192 dal inta badan wadamada aduunku waxay leeyihiin lacago ugaar ah.
Qiimaha lacagtu waxay ku tiirsan tahay hadba awooda wax iibsi iyo sarif ee ay lacagtaasi ku leedaahay suuqyada caalamiga ah,
Liiska Toban lacagood ee u xooga badan aduunka markii u damaysay ee la soo saaro waxay ahayd bishii labaad ee sanadkii tegay ee 2016.

1) DIINAAR KUWAYTI waa lacagta rasmiga ah ee dowlada kuwait oo kamida dowladaha aduunka ugu qanisan Waana lacagta ugu xooga badan aduunka Halka diinaar oo kuwaytiga ah wuxuu u dhigmaa 3.31 US doolar, Warqada lacageed ee ugu weyn diinaarka kuwayt waa 20 Diinaar oo isku yaal oo u dhigma 66.18 US doolar

2) DIINAAR BAXRAYNI waa lacagta rasmiga ah ee boqortooyada baxreyn Halka diinaar oo baxrayniga ah wuxuu u dhigmaa 2.65 US doolar, sanadii 2008 dii ayaa Bangiga dhexe ee baxreyn soo saaray xaanshidii lacageed ee ugu weynayd abid oo ah 20 diinaar oo isku yaal oo u dhigma 53.05 US doolar.

3) RIYAAL CUMAANI waa lacagta rasmiga ah ee saldanadda Cumaan Halka riyaal oo cumaaniga ah wuxuu u dhigmaa 2.60 US doolar Lambarka lacageed ee ugu weyn oo uu ilaa iyo imminka soo saaray bangiga dhexe ee cumaan waa 50 Riyaal oo u dhigma 129.85 doolar

4) LAATFIYAAN LAT waa lacagta dastuuriga ah ee dowladda Jamhuuriyada Laatfiya Halk yunit oo Latka ah wuxuu u dhigmaa 1.62 US doolar, Lambarka lacageed ee ugu weyn Latka waa 500 oo Laat oo u dhiganta 805.74 US doolar.

5) BOONKA JASIIRADAHA FAALKILAAN boonkani waa lacagta rasmiga ah ee jasiiradaha faalkilaan oo ah oo jasiirado hoos yimaada dalka Biritan kuna yaala bada baasiifiga, Markii ugu horaysay ee la daabacay boonkan waxay ahayd sanadii 1883 Halkeeda boon wuxuu u dhigmaa 1.46 xaanshida lacageed ee ugu weyn waa 50 boon oo u dhigma 72.26 Doolar

6) BOON ISTARLIINKA BIRITAN lacagatan caadiyan waxaa loo yaqaan Boon waana lacagta rasmiga ah ee boqortooyada UK Sidoo kale lacagtani waa lacagta ugu faca weyn aduunka Halkeeda boon wuxuu u dhigmaa 1.45 tirada ugu weyn ee lacagtaan waa 50 boon u dhigma 72.31 doolar

7) GIBRALTAR BOON waa lacagta rasmiga ah ee gibraltar oo ah maamul yar oo hoos taga dalka biritan halkeeda boon wuxuu u ku beddelmaa 1.44 US doolar, waxaan ugu sarreeya lacagataan 50 giblitar oo isku yaal oo u dhigma 72.07 US doolar

8) ST. HELENA BOON waa lacagta rasmiga ah ee jasiiradaha Helena & Aseeyshan oo hoos taga dalka biritan Halka boon ee lacagtaan wuxuu u dhigmaa 1.45 waxaana ugu weyn 20 boon oo isku yaal oo u dhigma 28.83

9) DIINAARKA URDUN waa lacagta dastuuriga ah ee boqortooyada haashimiyiinta ee Urdun Halka diinaar ee lacagtaan wuxuu u qalmaa 1.41 US doolar Bangiga dhexe ee urdun ayaa soo saaray sanadii 1999 tiradii ugu weynayd ee lacagtaan oo ah 50 diinaar oo u dhigmata 70.61 US doolar

10) LACAGTA MIDOWGA YURUB EE YUURADA waa lacagta rasmiga ah ee 19 ka dowladood ee Yuuro Soonka, Halka yuuro waxaa lagu sarifaa 1.09 US doolar xaanshida ugu weyn lacagtaan waa 500 oo yuuro oo u dhigma 545.95 US doolar

Dubay iyo Sucuudiga Kee baa U Wanaagsan Haweenka

Dalkan iyo magaaladan mid kasta waxaa uu leeyahay faa'iidooyin iyo khasaare ku saamayn kara, Labadaba waxaa laga xirtaa dhar gaar ah oo isku mida, labadan meeloodba waa meelaha haweenku aadka uga caagan yihiin siyaasada waxaa lagu tiriyaa inay kamid yihiin meelaha aadka loo gacan bidixeeyo haweenka, Si kasta ha ahaatee hadba sida loola macaamilo qofka haweenka aha waxay ku tiirsan tahay dhalashadeeda iyo shaqada ay qabato, Dubay waad wadan kartaa baabuur kaaga, waad tegi kartaa meelaha lagu daawado bandhig faneedyada riwaayadaha Iwm, xeebta ama biijka waad booqan kartaa dhammaan arrimahan waxad samayn kartaa adigoon cidi ku wehelin oo keligaa ah, Laakiinse sucuudiga suurta gal ma aha arimahan inaad samayso ama aadba hawaysato, Sidoo kale haddii aad tahay qurbo joog ku nool Dubay way fududahay inaad hesho fiisaha ay qoyskaaga ama asxaabtaadu kugu soo booqan karaan ee Fiiso siyaarada (visit visa) lakiin sucuudiga fiisahan si fudud laguma gaaro...

Thursday, February 11, 2016

Shirkii Beesha Caalamka iyo Puntland oo Natiijo La'aan ku soo Dhamaaday

Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Qaramada Midoobay soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa Warsaxaafadeed ay si wada jira u qabteen isaga iyo madaxweynaha puntland Cabdiweli maxamed cali gaas ku sheegay in siyaasiga sare ee puntand oo uu ula jeeday Madaxweynaha puntland Uu u sheegay in somalidu tahay dad doodi og dhanka qofnimadana jira isla markaasna wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu u rajeyay isaga nasiib wacan oo dhanka shaqadiisa ah, Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay fashilmeen wada hadaladii uu dhexeeyay Beesha caalamka iyo dowladda puntland oo ay weheliyaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta madaxa bannaan ee puntland Madaxweynaha puntland ayaa isla goobta ka sheegay inaysan jirin wax heshiish ah oo dhexmaray puntland iyo beesha caalamka oo laga gaaray qaabka loo soo xulin doono xildhibaanada dalka marka laga gaaro bartamaha sanadkan 2016 ka, Madaxweynaha puntland ayaa intaa ku daray in shirka laysugu soo laaban doono Sidoo kale danjire Keating ayaa geestiisa sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin wada hadaladii ay la yeesheen dowlada puntland, qaybaha bulshada rayidka & siyaasiyiinta reer puntland. Dowladda puntland ayaa horay uga biya diiday in lagu salayo 4.5 qaabka loo soo xulayo xildhibaanada dalka marka la gaaro doorashooyinka guud ee dalka oo lagu wado inay qabsoomaan bartamaha sanadan. Dowladda soomaaliya iyo beesha caalaamka ayaa horay u shaaciyay in doorashada soo socota lagu salayn doono Nidaamka awood qaybsiga 4.5 Sidoo kale ismaamul goboleedyaa qaar ayaa taageeray Habka soo xulista ee 4.5

Wednesday, February 10, 2016

Wasaarad Dad badan ka yaabisay oo uu Magcaabay Ra'iisal wasaaraha Imaaraadku

Ra'iisul wasaaraha dowladda Isu tagga Imaaraatka carabta ahna madaxweyne kuxigeenka dalka iyo madaxa magaalada Dubey Shiikh Maxamed bin Rashid Al Maktuum ayaa shaaciyey inuu u magcaabay haweeneyda Ahuud al- ruumi Wasiiru dowlaha Farxadda iyo Dulqaadka wasaaradan ayaa ah mid ku cusub dalka, Shiik Maxamed Bin rashiid ayaa yiri farxadu ma aha mashruuc barnaamij qorshayaal amase u rajayn, wasaaradani waxay war gelin doontaa wasaaradaha kale si aanu ugu farax gelino una ogaysiino shaqooyinkooda Ahuud al-ruumi ayaa sidoo kale haatan ah xoghayaha guud ee xafiiska ra'iisul wasaaraha waana sii wadi doontaa shaqadan sida lagu yiri digreetada. Dalka imaaraadka oo 44 sano kahor qaatay xornimadiisa saliidana qani ku ah ayaa lagu sheegay sanadkii hore inuu yahay dalka 20-aad ee muwaadiniintiisu ugu farxadda badan yihiin, dalka Switzerland ayaa loo magcaabay sanadkii hore wadanka muwaadiniintiisu ugu farxada badan yihiin aduunka waxaana shanta dal ee muwaadiniintoodu ugu farxada badan yihiin kamid noqday dalalka Iceland Denmark Norway iyo Canada .

Law Lambar 7 Waa Lama taabtaan

Waxaa layaab ah sida loo xakamayn doono golayaasha deegaanada ee puntland mar haddii laga booday sharcigii xadaynayey tirada xubnaha heerarka kala duwan ee golahayaasha deegaanada, waxaa wax iska cad ah in dhibaatooyin fara badani ka imaan karaan ku dhaqan la'aanta sharciga waayo mar haddii uusan jirin sharci loo hogaansamo wax walba waxay u muuqan karaan in lagu salayo fikir iyo afkaaro arrimahaas oo lagu kala duwanaan karo horseedna u noqon kara qulqulatooyin siyaasadeed oo dhibaatooyin keeni kara, Waxaan u jeedinayaa dhamaan degmooyinka dowlada puntland in tirada goloyaasha lagu cesho qaabka uu qaanuunku tilmaamayo si looga baaqsado khilaaf ka dhalan kara ku dhaqan la'aanta sharciga, golayaashuna aysan u noqon tusbax madaxa ka furan oo nin walbii leeyay anna xabad ama labo ii tiimbi. Bosaso waxay ka mid tahay magaalooyinka la kordhiyay tirada xubnaha deegaanka arrintaas oo yara khilaaf dhalisay, Waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa reer bosaso
 > In golaha degmada lagu cesho tirada dastuuriga ah oo ah 27 xubnood, isla marakaasna dib u eegis lagu samayo qaabka xildhibaanadu ugu qaybsanyihiin beelaha waxna laga bedelo
> In golaha deegaanka loo dhiso qaab lamida qaabka ay u dhisan yihiin golayaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee puntland arrintaas oo sahlaysa inay xaquuqdoodii helaan degaanada iyo tuulooyinka degmadu xukunto
> In laka diro maamulka degmada ee imminka jira maamulkaas oo runtii dad badani dhaliilsanyihiin

Faroole Is A bold Who can't hide his Inner sense

Puntland former president honorable Abdirehman faroole has failed to hide his enmity against the unjust tribal power sharing form of 4.5, he said 4.5 must be ended today, It seems somali incumbent president Hassan shiek has indirectly responded faroole's sense while he said "ever we had obstructs/frictions and we have been breaking them, when we break one obstruct another one comes so challenges became part of our experience. friction will head us and we'll break we won't allow friction to hinder our way to forward.