Waxaa layaab ah sida loo xakamayn doono golayaasha deegaanada ee puntland mar haddii laga booday sharcigii xadaynayey tirada xubnaha heerarka kala duwan ee golahayaasha deegaanada, waxaa wax iska cad ah in dhibaatooyin fara badani ka imaan karaan ku dhaqan la'aanta sharciga waayo mar haddii uusan jirin sharci loo hogaansamo wax walba waxay u muuqan karaan in lagu salayo fikir iyo afkaaro arrimahaas oo lagu kala duwanaan karo horseedna u noqon kara qulqulatooyin siyaasadeed oo dhibaatooyin keeni kara,
Waxaan u jeedinayaa dhamaan degmooyinka dowlada puntland in tirada goloyaasha lagu cesho qaabka uu qaanuunku tilmaamayo si looga baaqsado khilaaf ka dhalan kara ku dhaqan la'aanta sharciga, golayaashuna aysan u noqon tusbax madaxa ka furan oo nin walbii leeyay anna xabad ama labo ii tiimbi.
Bosaso waxay ka mid tahay magaalooyinka la kordhiyay tirada xubnaha deegaanka arrintaas oo yara khilaaf dhalisay,
Waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa reer bosaso
> In golaha degmada lagu cesho tirada dastuuriga ah oo ah 27 xubnood, isla marakaasna dib u eegis lagu samayo qaabka xildhibaanadu ugu qaybsanyihiin beelaha waxna laga bedelo
> In golaha deegaanka loo dhiso qaab lamida qaabka ay u dhisan yihiin golayaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee puntland arrintaas oo sahlaysa inay xaquuqdoodii helaan degaanada iyo tuulooyinka degmadu xukunto
> In laka diro maamulka degmada ee imminka jira maamulkaas oo runtii dad badani dhaliilsanyihiin

No comments:
Post a Comment