Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Qaramada Midoobay soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa Warsaxaafadeed ay si wada jira u qabteen isaga iyo madaxweynaha puntland Cabdiweli maxamed cali gaas ku sheegay in siyaasiga sare ee puntand oo uu ula jeeday Madaxweynaha puntland Uu u sheegay in somalidu tahay dad doodi og dhanka qofnimadana jira isla markaasna wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu u rajeyay isaga nasiib wacan oo dhanka shaqadiisa ah,
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay fashilmeen wada hadaladii uu dhexeeyay Beesha caalamka iyo dowladda puntland oo ay weheliyaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta madaxa bannaan ee puntland
Madaxweynaha puntland ayaa isla goobta ka sheegay inaysan jirin wax heshiish ah oo dhexmaray puntland iyo beesha caalamka oo laga gaaray qaabka loo soo xulin doono xildhibaanada dalka marka laga gaaro bartamaha sanadkan 2016 ka, Madaxweynaha puntland ayaa intaa ku daray in shirka laysugu soo laaban doono
Sidoo kale danjire Keating ayaa geestiisa sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin wada hadaladii ay la yeesheen dowlada puntland, qaybaha bulshada rayidka & siyaasiyiinta reer puntland.
Dowladda puntland ayaa horay uga biya diiday in lagu salayo 4.5 qaabka loo soo xulayo xildhibaanada dalka marka la gaaro doorashooyinka guud ee dalka oo lagu wado inay qabsoomaan bartamaha sanadan.
Dowladda soomaaliya iyo beesha caalaamka ayaa horay u shaaciyay in doorashada soo socota lagu salayn doono Nidaamka awood qaybsiga 4.5
Sidoo kale ismaamul goboleedyaa qaar ayaa taageeray Habka soo xulista ee 4.5
No comments:
Post a Comment