Guurku waa shay aad muhiim u ah oo aan Sinaba looga maarmin, Lamaanayaasha qaar ayaa guurka u arka nimco iyo barwaaqo ballaaran waxayna u arkaan lamaanahooda saaxiibkooda ugu wanaagsan Aduunka.
Hadaba nin sucuudiyaan ah oo ku nool magaalada Dammaam ayaa xaaskiisii furay isagoo furiinka sabab uga dhigay qormo xaasku ku qoratay whatsapp status-keeda, qormadaas oo ahayd "Waan tukanayaa si aan U helo dulqaad badan oo Aan kuu yeesho" Ninkan ayaa sida la yiri sheegay inuu fahmay macnaha dhabta ah ee qormada whatsapp status-ka xaaskiisa wuxuuna sheegay ninkani inuu fahmida macnaha qormada uu ka caawiyay nin ay qaraabo yihiin uuna u sheegay in qormadani tahay Qadaf ka dhan aha shaqsiyadiisa, Waxaa kaloo jirtay sida ay sheegeen asxaabta iyo qaraabada ninkani in xaasku aysan farxad badan ku haysan saygeeda,
Agaasime ku xigeenka Xarunta Horumarinta Arrimaha Qoyska ee gobalka bari ee dalka sucuudiga oo ah halka uu ka dhacay furiinku ayaa sheegay in waqtigan Kiisaska ugu badan ee furriinka ka dhaca sucuudiga ay sababaan wararka laysku dhaafsado baraha bulshada, Waxaa dhacda buu yiri in lamaanuhu ay iska aflagaadheeyaan baraha bulshada Waxaa kale oo jirta in haweenku ay lamaanohooda ugu gudbiyaan baraha bulshada erayo sarbeeb ama doqon ma garato ah oo abuuri kara khilaaf sidoo kale ragga ayaan ka marnayn isticmaalka ereyo maladahan oo khilaaf sababa.
Sidoo kale qareen caan ah oo isla gobolkaas ka shaqeeya ayaa sheegay in tirada furiinku had iyo jeerba sarayso, wuxuuna qiray xaqiiqda ah in waxa ugu badan ee sababa furiinka ka dhaca gudaha sucuudiga uu yahay baraha bulshada, Qareenkan oo aqoon badan u leh kiisaska furiinka mudo dheerna ka soo shaqaynayay ayaa kula taliya lamaanayaasha sucuudiga ah inay isdejiyaan waqti dheeriya oo nasniino iyo dib u fekeris ahna qaataan ka hor intaysan gaarin go'aanka kama damaysta ah ee furiinkooda.